Friday 19 January, 2018
Headline

DHAB KA HADAL: Dayaca iyo Darxumada Faroole Nala Damacsanaa Gaas Baa Damiyey!

Madaxweyne Faroole waxaa bishii Janaayo 2014 xikii madaxweyne ka riday oo kaga guuleystay Datoor Cabdweli Cali
Gaas. 66 cod ee Baarlamaanka Puntland uu Madxweynaha Puntland ku dooranayey Datoor Gaas waxa uu helay 33 cod meesha Faroole ka helay 32 cod. Waxaa khasaaray 1 cod, waxa uuna ahaa cod Faroole uu tirsanayey. Halkaas waxaa 8 Janaayo Madaxweynaha Dowladda Puntland ku noqday Datoor Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa xusid mudan, waxaana garan kara qofkii waqtigaas Puntland joogey, in Faroole uu isa siiyey guusha
Madaxweynenimo ee Puntland oo uusan marnaba is oran waxaa kaa badin doonaa Cabdiweli Cali Gaas ama Cali Xaaji Warsame. Laakiin waa laga badiyey. Ha laga badiyo ma xuma e waxaa looga badiyey 1 cod. Waxaa kale oo xusid mudan in Cali Xaaji oo helay 16 cod uu codadkiisii ku wareejiyey Gaas, uuna ahaa boqraha Gaas.

Sida ay warbaahinta la qaybsadeen siyaasiyiin  goobjoog ahaa maalinkii doorashada, rididii Faroole kabacdi, kaddib markii uu ogolaaday in laga badiyey, Faroole waxa uu u tagey Cali Xaaji Warsame oo uu ku yiri, “Cali maanta waad iga hiillisay!” Cali Xaaji oo Faroole u jawaabaya waxa uu yiri, “Madaxweyne, Gaas ii hiilli buu i yiri, ee adigu miyaad hiil i weydiisatey?” Faroole waxa uu ku jawaabay, “alleylehe Caliyoow maya, oo halkaas qalad weyn baan ku galay.”

Laakiin mid buu nin walba ogoow, Faroole asna ku miyir qabey, taas oo aheyd in musharrixiinta gobolka Mudug uusan midkoodna hal cod siin doonin Faroole, illeen sida dhegaystaha kore soo qoray, intii Faroole Madaxweynaha dalka ahaa “Mudug darxumay la libiqsatay.” Waxa ay aheyd darxumo kutalogal ah, shalay aan dahsooneyn, maanta fadhi-ku-dirirka looga sheekaysto.

Siyaasaddu waa cajiib e, markii Madaxweyne Gaas uu talada dalka sii cad ula wareegay, oo uu kalsooni ku xarragoodey, geedkii siyaasadda ee Buurta Garoowe waxa uu ridey dhammaan caleemihii isbaheysiga gobolada Mudug iyo Karkaar, waxa uuna caleemosaarey kuwii Nugaaleed. Nugaal oo dhan ma wada aha e waxaa siyaasadda Buurta, mid dhaqaale iyo mid Federaal, si cad uga dhexmuuqdey Faroole iyo xulufadiisa. Gaas waxa uu Faroole u boqray Aqalka Sare, Faroole waa loo doortey, waxa uuna u xuubsiibtey Odey Faroole.

Faroole iyo Gaas waxa ay noqdeen laba nin oo saaxiib ku ah siyaasadda Puntland iyo tan Federaalka, siiba tan
Nugaaleed, lana dhihi karo si cadbay isula jaanqaadeen. Inta ay si rasmi ah isula jaanqaadeen buu xataa Faroole asbuuc kahor waxa uu kor u tuurey, oo sida ay dabeyshu u qaaddo tijaabiyey waqti-kordhin Madaxweyne Gaas iyo dib-u-dhigis doorashada sannadka soo socda. Waxa kale oo Faroole uu Garoowe asbuucyo kahor ka hadal-hayey shir ka dhici doona tuulada Kalabeyr iyo martiqaad Madaxweyne Gaas.

Cali Xaaji iyo raggiisii ayagu waxa ay noqdeen, welina yihiin, caleemaha laga buuyey geedaha Buurta Garoowe, oo
dabeylaha Nugaaleed iyo kuwa Mudug ay maalinba daruufaha iyo daruuraha cusub ee siyaasadeed ay hal dhan ka
tusaan waxa soo socda.

Giraanta inta xawli u wareejiso dhex fariiso furitaankii gegida caalamiga ah ee Garoowe, waa Gegidaha Diyaaradaha ee loo bixiyey Janaraal Maxamed Abshir. Madaxweyne Gaas iyo Odey Faroole subixii waa iswateen oo waxa ay ahaayeen xulufo siyaasadeed, laakiin gabbal islama gaarin.

Giraanta hadana mar kale inta xawli u wareejiso gaar shalay iyo Faroole oo waayahaan si loo hilmaansanaa oo hadley.

Shir jaraa’id buu Faroole qabtay lama dhihi karo, oo cid uu la shirey iyo wax su’aal ah oo la weydiiyey ma ay jirin. Baaq nabadeed buu direy lama dhihi karo, oo waxa uu si cad u aagaadeeyey Madaxweyne Gaas. Hadaba Faroole muxuu shalay ku soo kordhiyey giraantad siyaasadda dalka? Faroole ma shir jaraa’id buu qabtey mise Gaas buu farriin toos ah u dirayey?

Ma daalacano mana daalacan karno quluubta dadka, laakiin siyaasaddu ma aha xisaab la isku dhufto iyo dayaxgacmeed samada sare loo diro. Badanaa siyaasaddu, siiba tan liidata ee Soomaalidu, waa mid iska yaacda oo aan meelna ku qarsoomin, kuna qarsoomi karin. Sidaas darteed waxa Faroole ka xanaajiyey, xumbada ka keenay, kuna khasbay in uu shaarkii lagu yiqiin dib-u-xirto, iska dhigo nin nabad raadinaya, Madaxweyne Gaas iyo ummadda reer Puntand oo dhanna ku aagaadeeyo, waqti kale ku dhumin meyno oo waa mid Faroole iyo Faroole oo kaliya aan
dhaafsiisneyn, fasirkeedana laga heli karo fadhi-ku-dirirada ku meegaarsaan Barxadda Garoowe.

Laakiin, tan shacabka Puntland mar hore iska damiyey, baalasha taariikhda ku hubsaday, kuna saabsan dayaca iyo
darxumada uu Faroole kaga tagey Puntland, iyo tiisa gaarka ah, baa ka mudan in mar kale la xasuusiyo reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed, inta nabadda u hamuun-qabta.

Sida dhegaystaha kore nala qaybsaday, Madaxweyne Gaas waxa uu xukunka la wareegay ayada oo gobolada Puntland uu Faroole kala qoqobey. Qoqobka iyo kala qeybinta gobolada Puntland ha kala darnaadeen e waxaa ugu darnaa gobolada Cayn, Mudug iyo Sanaag. Saddexdaas gobol waxa ay kala noqdeen mid uu cadoow ka adeejiyo, mid uu argagixo ku tilmaamo ama ku soo daayo, iyo mid uuba u diido iyo tab dowlo ka hawlgasho.

Dib u xasuuso halkudhigyadii Gaas ee suurtagaliyey in uu xilka hanto, Faroole kursiga ka rido, fartana ku iqey
kalaqoqobkii Faroole, asaga oo leh, “Puntland waxay u baahantahay caddaalad, in loo caddaalad falo waxa ay u
baahantahay in wiilka Madaxweynuhu dhalay iyo wiilka Caluula, Baargaal, Qandala, Buuhoodle, Badhan iyo Gaalkacyo ku nool in ay u simanyihiin dawladnimada ayaa la rabaa. Waxaa la rabaa in loo simanyahay khayraadka dalka oo gobolada iyo degmooyinku ay si siman u wada helaan.”

Madaxweyne Gaas ma uu wada daweyn kala qoqobka Puntland, Cadaalad falkuna waa hawl joogto ah oo waliba
fariqeed maanta wadata, mana uu xoreyn degmooyinka maqan, weli madfaca Garoowe la dul keenayna dhulka kama
siibin, laakiin Gaas waxa uu daweeyey in aan dhib danbe loo marin, lana takoorin ganacsiga xorta ah ee qofeed, ha
ahaado mid rooti foorneeya, mid xalwad iibsha, iyo mid beecmushtar sare beegta ama hay’ad iyo kambani saami ku
keena.

Madaxweyne Gaas waxa uu suurtagashay in hormarka gobol kasta oo Puntland uu yahay hormar Puntland oo dhan oo aan mid la liidin, mid la diidin, mid kalena la oggolaan. Gaas waxa uu damiyey colaaddii Faroole dhexdhigay gobolada Puntland.

Gaas waxa uu si cad oo aan gabasho iyo gorgorton toona laheyn ula dagaalmey argagixisa Puntland. Waxa
uu difaacey kuwii Puntland soo weerarey. Madaxweyne Gaas waxa uu farta ku iqayin siyaasadda Somaliland qayb kamid ahi ay tahay taageeridda aragagixisada Soomaaliya, waxaana jeelasha Puntlad qaar laga siidaayey, qaarna weli dhoobanyihiin wiilal Somaliland ka soojeeda oo intaas wada qirey.

Intaas oo wada marag-ma-doonto ah, hadana Madaxweyne Gaas waxa uu maalin kahor la hadley shacabka Puntland
asaga oo yiri Puntland waa la difaacayaa, madaaicda Garoowe la dul-keenayna ma sii oolli doonaan, meesha Faroole
barbar ka doortey.

Dhanka dastuurka, Madaxweyne Gaas iyo Baarlamaanka Puntland waxa ay ku dhaarteen in ay difaacayaan dastuurka
Puntland. Madaxweyne Gaas iyo Baarlamaanka Puntland waxa ay Faroole u doorteen Xildhibaan Aqalka Sare, asaga oo mar kale ku dhaartay in uu difaacayo dastuurka Puntland. Hadaba su’aasha maanta taagan waxa ay tahay, Faroole haddii uu maalin cad jabiyey dastuurkii Puntland, kuna baaqay in aan Puntland la difaacin, uguna baaqey bulshada Nugaaleed in aysan difaaca Puntland ka qaybqaadan, maxaa la gudboon, muxuuse dastuurka Puntland ka leeyahay xilhayihii ka horyimaada dastuurka dalka?

Tan kale, horta yaa Odey Faroole kula xisaabtamaya hawshii loo igmadey ee Aqalka Sare, oo sidii Cabdi Qaybdiid uga
guulaystay Guddoonka Guddiga Dastuurka uusanba Faroole u muuqan mid maanta dan ka leh, amaba u maqan reer
Puntland?

Dowladnimadu ma aha hawl sahlan. Ma aha mid la iska gaaro. Ma aha mid maalinna lagu dhaqmo, maalinna laga sii
jeesto. Dowladnimadu waa gacan ku hayn. Dowladnimadu waa tusaale abuurid. Dowladnimadu waa aayaha dadka.
Dowladnimada Puntland waa tan dadka ka soo qaxay Xamar iyo Koonfurta Soomaaliya illaa iyo Waqooyiba ay maanta magan u yihiin. Shacabka Puntland mar kale cadow magan uma noqon karaan, cadow-kalkaalna madax kama dhigan karaan. Hadaba Madaxweyne Gaas iyo Baarlamaanka Puntland sharciga garbo ha u noqdeen.

Shacabka Puntland ayana mid baa la gudboon: maanta shalay ma aha, oo shalay ha illaawina; laakiin haddii aydan idinna sharciga garbo u noqon, aayaha carruurtiina aydan iftiin u raadin, shalay ma foga oo hadana berri baa shalay noqon doonta.

Mid kalena waa Madaxweyne Gaas: dayacii Faroole haddii qaarkiis dawo loo helay, dadkii reer Puntland ayana maanta wada yihiin garbo siman, xulufo siyaasadeed oo Faroole iyo xulufadiisa aad la yeelato ogoow waa darxumo horleh.

 

Jamal Farah Aden 

Halkaan Kala Xariir Dhanka Facebook

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

7 Responses to "DHAB KA HADAL: Dayaca iyo Darxumada Faroole Nala Damacsanaa Gaas Baa Damiyey!"

  1. Waxaan ka xumahay maqaalkaan beentu ka buuxdo inaan akhristo laakiin waxaan garan la’ahay ninka qoray koley kama aha wanaag uu u sheegayo ummadda reer puntland waxaa uga jeedo ma baqdin uu farole ka qabo baa ma qabyaalad baa ma kaskiisaa inta le’eg koley waa mid un.

    Waxaa nasiib daro ah in la isu barbar dhigo waxaan isu dheeli tirmi karin bal taariikhda aad ku hal qabsatay shalay ma fogee bal soo faag Farole ka hor Puntland maxay ahayd mustawahee joogtay.
    1- Boosaso shabaab baa haystay Farole ka hor
    2- Garowe burcad badeed baa haystay.
    3- Gaalkacayo burcad badeed iyo shabaab baa haystay.
    4- maqaamka puntaland xagee somaaliya iyo aduunkaba ka joogay ma ilowday Garowe 1, Garowe 2 iyo Gaalkacayo accord.
    5- Puntland calan iyo Dustuur dhamays tiran ma lahayd?
    6- yaa joojiyey Daabacadii lacagta faalsada ah.
    7- yaa keenay inta mashruuc oo Maanta Gas ku raaxaysanayo?
    8- yaa dhisay institutionska puntaland madax tooyada, barlamaanka wasaaradaha Tvga jeelasha? you name it.
    8. Yaa dhisay wadooyinka magaloiyinka puntand?

    Haddaba markaad ka jawaabtid su’aalaha kor ku xusan iyo kuwa kale oo aan halkaan ku soo koobi karin adigoon caddaaladda aad raadinaysid ka tegayn markaas is barbardhig samee saaxiib.

  2. Intaad qabiilo ku mashquul santihiin qeyrkiin ictiraaf ha helo oo ha isku duubnadeen idinkuna gaas and faroole ku meeraysta war wixi dadlka u dana halaga tashado ninki caqli leh meel dheer bu wax ka arki kara waxan maamul goboleedkayga puntland u rajaynaya in majeerteen,leelkase,iyo warseengali iyo inta kaleba ahaada kuwo maan koodo so jeedo. Koley anigu waan so dhawahye incha allh I wish to be president

    • Cabdi Saalax says:

      Walaale Leelkase waa inaga tagey kamana mid ahaan Puntland.

      Galmudug(Somalia) iyo DDSI(Itoobiya) ayaa Leelkase wax la qeybsada hada.

  3. Garaad Salebaan says:

    Garaad Salebaan :

    Ciise Maxamuud waa midgaha Majerteenka.

  4. Issimka Beesha says:

    Cabdiwacal Gaas iyo beeshiisa Caasha Maxamuud ma gaaraan cagta Ciise Maxamuud.

  5. Cismaan Maxamuud says:

    Leelkase iyo Sacad ayaa Cumar Maxamuudka ku wasay Gaalkacyo. Dadka babbaadshay Cumar Maxamuudka fulayga ah waa geesiga Ciise Maxamuud

  6. Aamina says:

    Cabdiweli Gaas iyo Cumar Maxamuur mar hada ay si cad uu gumeysteen reer Bosaso iyo reer Garowe hade hadal badan ma loo baahno, Ciise Maxamuud, Cali Salebaan, Dishiise.iwm,.hada awood ama xinaanyo leeyahin ragg ha noqdeen hana difaacan magacooda iyo sharaftooda ay ku tumanayaan reer baadiye Mudug ka imaadayi

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!