Friday 19 January, 2018
Headline

DEG DEG+AKHRISO: D/gobaleedyada Somalia oo si adag uga hadlay talaabooyin ay qaaday DF Soomaaliya

Hogaamiyaasha Golaha ISkaashiga dawlad gobaleedyada dalka ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si adag uga digayaan talaabooyin ay qaadayaan Xaafiisyada Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya, oo ku saleysan in dib loo dhigo mudada maqnaanshaha kuraasta baarlamaanka qaarkood.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in muddo Goluhu cadaadis uga imaanayay beelaha kuraasta leh, isla markaana ay haatan soo baxday go’aan Maxkamadda sare ay soo saartay oo dib loogu sii dhigayo xilligii loo qorsheeyay in doorashooyinka kuraasta banaan lagu qabto.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in Maxkamadda ay gal dacwadeed furi karto marka doorashada dhacdo kaddib, hadii mid ka mid ah tartamayaasha uu ka cawdo inuu jiray musuq maasuq saameyn ku yeeshay natiijada doorashada.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!