Friday 19 January, 2018
Headline

DEG DEG: Xildhibaanada & Isimada Dhulbahante oo kudhawaaqaya go’aamo khuseeya P/Land Iyo S/Land

Wariyaha Puntlandi.ca ee magaalada Garoowe ayaa soo sheegaya in deegaanka Buurawadal oo 10KM u jira caasumada Puntland ay shir ku leeyihiin Isimada dhaqanka iyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda magaalada Laascaanood.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya dagaalada cusub ee soo kordhay iyo sidii ay mawqif mideysan uga qaadan lahaayeen, waxayna xooga saarayaan sidii ay u taageeri lahaayeen hadalkii Madaxweynaha Puntland.

Isimada ayaa hadda kusii qulqulaya deegaankaas, waxayna xooga saarayaan in ay la hadlaan Beeshooda Dhulbahante oo ay dagaalkan u iclaamiyaan si looga saaro Somaliland magaalada Laascaano.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay Isimadan ka soo horjeedaan gabi ahaanba in xiligan Somaliland ay sii haysato gobalkooda, bacdamaa ay jiraan isbedelo waa weyn oo siyaasadeed.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!