Monday 19 February, 2018
Headline

DEG DEG: M/weynaha Puntland oo loo diiday Diyaaradda UN-ka, kana baaqsaday Safarkii Dhuusa-Mareeb

Sidda uu tabinayo Wariyaha Puntlandi.ca ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ka baaqsaday socdaal uu kutagi lahaa magaalada Dhuusa-Mareeb, kagana qeybgali lahaa Madasha dhameystirka Heshiiska Galmudug & Ahlu Suna Waljameeca, ka dib markii ay diiday in diyaaradii ay qaado wafdiga oo aan la baarin.

Diyaaraddan oo ay leedahay Qaramada Midowmay ama UNSOM howlgalkeeda Soomaaliya ayaa diiday in ay qaado Boorsooyinka Madaxweynaha Puntland oo aan la marin baaritaanka rasmiga ah ee Shacabku marayaan.

Shirkada ayaa ku dooday in bad-qabka diyaaraddu uu ka bilowdo dhulka, ayna waajib tahay in la baaro alaabta Madaxweynaha Puntland, hadii aysan taasi dhicin aysan qaadeyn wafdiga.

Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in uu raaco diyaaraddan gabi ahaanba, waxaana uu dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, iyadoo lafilayo in talaabo laga qaado UNSOM.

Talaabadan ayaa dhaawac ku ah heybada Hogaamineed ee madaxda iyo Shacabka Puntland, maadaama Hay’ad yar ay isku dayi karto in ay maamusho Madaxda sare ee dalka.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!