Monday 19 February, 2018
Headline

Daawo :Hooyo Amino ” 40 Doolar Deyn Ah Ayaan Gaari Ku Soo Raacay Si Aan Madaxweyne Farmaajo Uga Mahad Celiyo Waxqabadkii Dowlada Ee Soo Deynta Maxaabiista”

40-dollar oo deyn ah ayeey kusoo raacday gaari ka soo baxay Magaalada Gaalkacyo si ay usoo dhoweyso, una aragto Madaxweyne Farmaajo oo ay uga mahadceliso waxqadkii dowlada ee la sameeyay wakhtiga kooban sida maxabiista la soo siidaayay, nasiib xumo uma suuragelin in ay aragto Madaxweynaha duruufaha jira awgood.

Waxay tiri iyadoo ilmeynaysa markii aan deynta kusoo raacayay gaariga xataa ma haysan lacag aan ciyaalka kaga bixiyo waxbarashada bilaha ah. 😥😥WAAN ILMEEYAY

Waxaan jeclaystay haddii ay jiraan walaalo soomaaliyeed oo aan isku dareen nahay, iyadoo aan cid kale lala kaashan in toban qof oo aan anigu ugu horeeyo ay gacan soomaalinimo u fidiyaan maamada. Aan uga abaal gudno jacaylkey u qabto dalkeeda, dowladeeda iyo madaxdeeda.

Dad badan oo soomaaliyeed ayaa jira oo dhibaateysan lakiin xaqiiqdii waa i damaqday ilmada hooyadan, waana sababta aan idiin la wadaagay oo u jeclaystay in ay hesho gacan soomaaliyeed, iyadoo aan la gaarin dowlad.

Magaca maamada waa #AAMINO IBRAAHIM, telefoonkeeda waa +252 9071558520 +252617158520, Wixii intaas dheer oo faahfaahin ah waxaa lagala xiriiri karaa Salman Jamal Said oo hawlaha samafalka nooga fiican, isaga ayaan u xilsaarnay caawimaada maamada. MAHADSANIDIIN

SOOMAALIYA HA NOOLAATO!

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!