Monday 19 February, 2018
Headline

CADEYN AKHRISO: Madaxtooyada Soomaaliya oo jabsatay Emailada iyo Facebook-yada xubno kasoo horjeeda, Maxaase ay ka heleen?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilowday qorshe halis ah oo ay ku weerarayso Emailada iyo Facebookyada Xildhibaanada ka soo horjeeda fikradooda, waxayna si gaar ah u beegsadeen Xildhibaano katirsan baarlamaanka Faderaalka ee dalka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa kamid ah ragga la weeraray barahooda bulshada, waxaana la jabsaday Facebook-giisa oo gacantiisa ka maqnaa 72 saacadood ee lasoo dhaafay, sidda uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah.

Madaxtooyada ayaa weerartay Emailada Siyaasiinta qaarkood, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo xubno muhiim ah, waxayna baadi-goobaysaa xog dheeraad ah.

Mucaaradid xoogan ayaa haysta dawladda, waxayna adeegsanaysaa talaabo kasta oo ay awoodo, taas oo ku saleysan arrimaha hadda taagan oo ay ugu horeyso qadiyadda weerarada Emailada qaarkood.

Siyaasiinta dawladda diidan ayaa u arkaya talaabadan kuwa kale oo halis galinaya daganaanshaha iyo hab dhaqanka wanaagsan ee siyaasada, taas oo muujin karta walaac cusub.

Tanni ayaa u muuqata dagaal cusub oo ay bilowday Madaxtooyada Soomaaliya, ayna ku weerartay siyaasiinta ka soo horjeeda, taas oo ka dhigan talaabo kale oo halis leh, waxaana loo adeegsaday shaqsiyaad bartay Cilmiga IT-ga loo yaqaano, kuwaas oo bartilmaameedsaday shaqsiyaadka muhiimka ah ee ay baadi-goobayaan.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!