Thursday 18 January, 2018
Headline

Arimaha Bulshada : 5-Hab Oo Aad Naftaada Uga Fogeyn Karto Tamarta Khaldan Ee Muragada

Tamarta taban “Negative energy” ee ka dhalata inuu qofku si xun u fakaro waa cudur aan ka khatar yareyn cudurrada jirka ku dhaca ee burburiya.

Negative energy-ga dadka qaar waxay ka qaadaan iyagoo dhex dabaasha afkaar aan wanaagsaneyn oo dadka ku hareeraysan aaminsan yahay ama in qofka ay rajadu ka lunto, mushkiladda ugu weyn ayaa ah in dadkaasi tamarta tabani aaney iyaga oo kaliya ku koobnaaneyn, laakiin ay saameyn ku yeelanayo dadka kale ee ku hareeraysan.

Hadaba, sida lagu daabacay jariidada “Daily Health Post” waxaan idiin soo gudbineynaa 5 waddo oo la iskaga fogeeyo tamarta taban ee qofka aadanaha uu kasbado:
1 .Ra’yiga dadka kale yaanuu ku saameyn

Dadka oo dhan inaad raalligeliso waa arrin aan suurtogal ahayn, sidaa darteed ra’yiga taban oo dhan muhiimad ha siin, naftaadana haku dhibin inaad dadka kale raalligeliso, waxaa jirta oraah caruurta lagu barbaariyo oo oraneysa, haddii qofi uu wax kaa sheego waxa uu sheegayaa waa mushkilad isaga haysata ama naftiisa uga baqayo oo isaga ku gaar ah.
2 .Yaaney saameyn xoogleh kugu yeelan mushkiladaha dadka kale haysata

Inaad dadka kale la danqato waa arrin wanaagsan, laakin taxadar yeelo, saameynta xoogga leh ee mushkiladaha dadka kale haysta ay kugu yeelato, waa meelaha muragada iyo tamarta taban ee negative energy-ga ah laga dhaxlo.

3 .Xuduud sameyso:Dadka markasta oo ay kula hadlaan ku niyad jabinaya oo hadalkoodu ku murug gelinayo ee xumaasheegga ah xuduud iskaga samee aaney kuusoo dhaafi karin, si fiican u ogow in dadkaas aadan marnaba agtooda murugo mooyaane aadan farxad ka helayn.

4 .Nolosha ku farax :Waxaa muhiim ah inaad wakhti faraxadeed oo gaar ah naftaada u sameyso, si aad u dareento farxad, waxaad wakhtigaaga ku qaadan kartaa akhrinta buug aad xiiseynayso oo meel aad jawigeedu u fiican yahay ku akhrinayso.

5 – Xakamee dareenkaaga:Shakhsiga nafsiyan u xasillan waa kan dareenkiisa xakameeya, tamarta tabanna iska fogeeya, haddii ay isaga kasoo fuleyso ama ay dad kale uga imaaneyso.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!