Monday 19 February, 2018
Headline

Xogo Cusub Oo Laga Helay Aagga dagaalka Bariga Mudug Ka Dhacay Sahalay ,Maxaa Soo Kordhay ?.

Wararka PUNTLAND TIMES ay haatan ka helayso aagii ay maanta ku dagaalameen Maleshiyaadka ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, ee bariga Gobalka Mudug ayaa sheegaya in caawa ay halkaasi ka taagan tahay cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal uu dib ugu Bilowday, kaasi oo saameyn ku yeesha deegaanada Bariga.

Ilo Lagu kalsoon yahay oo ku sugan Goobaha lagu Dagaalamaya Ayaa PUNTLAND TIMES U Xaqiijiyay in Teer iyo markii uu dagaalku istaagay, ay socdeen Gurmadyo Xoojinaya Labada Dhinac ee dagaalantay.

Dagaaladii Ugu Dambeeyay ee maanta Dhacay ayaa la sheegay in uu galaaftay Nolasha Dad ka badan 15 Ruux, oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoona dhaawacu ka badan yahay 30 ruux.

Warar lagu kalsoon yahay oo Ka madax banaan labada dhinac, ayaa P TIMES U Xaqiijiyay, in dagaalkii saaka dhacay ay soo qaadeen Maleeshiyaadka ka soo jeeda Dhinaca Galmudug, kuwaasi oo ka careysan Khasaare Dagaal maalin dhaweyd ka dhacay aagaasi ka soo gaaray.

Dagaalka ayaa laga cabsi qabaa in saamey balaaran uu ku yeesho Gudaha magaalada Gaalkacyo, iyadoona Hub laga soo tuuray Dhinaca Galmudug uu Saacado ka hor ku dhacay Xaafado ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Culimo aw’diinta, Ganacsatada, Maamulka Iyo Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Gobalka Mudug Ayaa ku Baaqay in la joojiyo Lagana Hortago In Ay sii balaarato Colaadaas ka soo cosboonaatay Bariga Gobalka Mudug.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!